4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Shacab Careysan oo banaanbax ka hordhigay Safaaradda Kenya ku leedahay wadanka Ingiriiska
 

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Boqolaal Soomaali ah ayaa banaanbax xoogan ka hordhigay Safaarada dowladda Kenya ku leedahay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, kuwaas oo ka cabanaayay duqeymaha xad dhaafka ah ee diyaaradaha Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinaayay erayo ka dhan ah madaxweynaha dalka Kenya iyo dowladiisa oo aay ka mid ahaayeen Uhuru Kenyata dooni meyno, Kenya doonimeyno ciidankeeda AMISOM doonimeyno iyo erayo kale.

Safiirka dowlada Kenya ayaa banaanka ugu soo baxay dibad baxayaasha ku hor banaanbaxayay Xafiiskiisa waxaana halkaasi loogu dhiibay warqad  cabasho aheyd oo ku socotay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Wariye Cabdixaafid oo ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed, ee ku sugnaa goobta mudaaharaadka uu ka socday ayaa su'aalay Danjire dowlada Kenya,
" Danjire maxaad uga jawaabeysa caruurta yaryar ee dowlada Kenya ku laaysay gobolada Gedo iyo Jubbooyinka" lakiin Safiirka Kenya wuu ka gaabsaday inuu ka jawaab celiyo su'ashaasi waxuuna dib ugu laabtay Xafiiskiisa.

Mid ka mid ah hoggaamiyaasha dibadbaxa ee warqada u dhiibay Safiirka Kenya oo lagu magacaabo Aadan ayaa sheegay in warqada aay u dhiibeen Safiirka Kenya ee dalka Ingiriiska iney ku qorneyd cabashada shacabka Soomaaliyeed aay ka qabaan duqeymaha aan loo meel dayan ee caruurta Soomaaliyeed lagu leynayo laga soo bilaabo sanadkii 2011 ilaa sanadkan 2021 tacadiyada iyo gumaadka aay Kenya ka geysatay gudaha Soomaaliya.

Waxuu intaasi ku daray in duqeymaha kenya ee la diiwan galiyay ku dishay dad kor u dhaafaya ilaa 150 qof oo shacab ah una badan caruur iyo haweyn aanan waxba galabsan iyo waxii gumaad ahaa ee ciidanka Kenya geysteen ilaa waqtigaas inuu ka jawaab celiyo.

"Safiirka waxuu u diiday in su'aalaha uu ka jawaabo waa inuusan heynin wax jawaab ah uma haayo duqeymaha soo noqnoqday iyo burburka hantiyadeed sidaas ayaana ku kaliftay inuu wax jawaab ah bixin waayo" ayuu yiri Aadan oo ka mid ahaa horjoogayasha banaanbaxa ka dhacay banaanka Safaarada Kenya.

Banaanbaxaan ayaa imaanaya xili todobaadkii lasoo dhaafay diyaaradaha dowlada Kenya aay duqeymo ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo aay ku dileen hooyo canugeeda kuna dhaawacmeen ku dhawaad 10 caruur ah oo aanan waxba galabsan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]