4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya goobo ganacsi oo lagu boobay dalka Koofur Afrika
 

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi saacadahii lasoo dhaafay lagu boobay goobo ganacsi oo ku yaala deegaanka lagu magacaabo Soweto oo 24, KM u jirta magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Ganacsiga la boobay waxaa iska lahaa ganacsato u dhalatay dalka Itobiya, iyadoo deegaanka boobka ganacsi uu ka dhacay aay ganacsiyada ugu badan ku leeyihiin Itoobiyaan iyo Soomaali.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday ganacsatada Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh deegaanka Soweto inkastoo boobka bilaawga u muuqda ee deegaankaasi ka dhacay aysan ku jirin goobaha la boobay ganacsiyo aay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaaasi ku leh goobaha ganacsiga aay bilaabeen iney alaabahooda kala baxaan dukaamada aay halkaasi ku leeyihiin, kadib cabsi la xariirta boobka iyo hanjabaado kaga yimid qaar ka mid ah dadka u dhashay dalkaasi.

Dalka Koofur Afrika waxaa sanad walba ka dhaca boob baahsan oo loo geysto goobaha ganacsiga aay ku leyihiin dalkaasi dadka ajaaniibta ah oo aay ka mid yihiin Soomaalida waxaana intaas usii dheer dilal iyo dhaawacyo joogta ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]