4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Raysal wasaare Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada dhalinyaradii qaraxii Shalay
 

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhalinyaradii ku dhaawacantay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarada ciidanka Jenaral Dhagabadan.

Dhakhaatiirta ku howlaneed la tacaalista Caafimaadka dhalinyarada kusoo waxyeelowday qaraxa ayaa uga warbixiyeen Raysal wasaare Rooble xaalada caafimaad ee dhalinyarada, iyadafoo Raysal wasaarahana uu sheegay iney dhalinyarada dhaawaca ah dadaal kasto oo la xiriira Caafimaadkooda aay ku bixin doonto Xukuumaddiisa.

Waxuu intaasi ku daray Raysal wasaare Rooble in maanta la joogo xiligii shacabka Soomaaliyeed isku duubmi lahayeen si looga guuleysto cadawga Soomaaliyeed, isagoona uga tacsiyadeeyay ehelada iyo qaraabada dhalinyaradii ku dhimatay qaraxii Shalay ka dhacay afaafka laga galo Xerada tababarada ciidanka Jenaral Dhagabadan ee degmada Wadajir.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ku wehelinaayay booqashada Raysal wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Raysal wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda u difaacaan, ayna ka hor istaagi karin weerarada ay ku hayaan Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]