4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Maleeshiyaad hubeysan oo duuleedka degmada Matabaan ku dilay Darawal Gaari
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Maleeshiyaad hubeysan ayaa barqanimadii maanta nin Dawaral ahaa ku dilay deegaanka Bacda ee duuleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Humbul waxaana la sheegay inuu muddo dheer ka mid ahaa wadayaasha gadiidka Jaadka qaada ee isaga kala goosha degmooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dilka Dawaralkan gaari ayaa la sheegay inuu la xiriiro dilal aargoosi ah oo aanooyin qabiil salka ku haya oo mudooyinkii dambe ka dhacayay deegaano hoos yimaada degmada Matabaan.

Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta aay ku dileen marxuumka, waxaana saacado kadib halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan dableydii dilka geysatay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]