4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulanka la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Urur goboleedka IGAD Safiirka EU, waxuuna kala hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo wax ka qabashada xaaladaha Bini'aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle waxa uuna soo jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan Ciidamada AMISOM si Al-shabaab looga saaro deegaanada aay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay dadaalada Beesha Caalamka aay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, waxuuna ka codsaday Wakiilada Beesha Caalamka in loo gurmado dadkii ku barakacay fatahadahii dhawaan uu sameeyay wabiga Shebeelle iyo sidii xal waare loogu heli lahaa in la hirgeliyo biyo xireeno.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda bogaadiyay heshiisyadii laga gaaray arrimaha doorashooyinka, waxayna u balan qaadeen madaxweynaha Hirshabeelle wax ka qabashada fataahadaha iyo waliba arrimaha Bani'aadanimada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]