4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2021
Askari ciidamada Puntland katirsanaan jiray oo Alshabaab kasoo goostay oo lasoo bandhigay
 

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Ciidanka nabad sugida Puntland ayaa soo bandhigay askari horey uga tirsanaa ciidanka Puntland oo kasoo goostay kooxda Alshabaab sida uu lagu sheegay wareysi muuqaal ah oo laga duubay askarigan.

Jamaal Cali Cusmaan oo sida uu sheegay ahaa askari tababar ku qaatay xerada Abqaale oo ku taala gobolka Mudug, ayaa sheegay ka hor inta uusan kasoo goosan kooxda Alshabaab in uu soo dilay sarkaal Alshabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo askari kale oo ilaaladiisa ahaa.

Wuxuu tilmaamay inuu Alshabaab ugu biiray si uu naftiisa u badbaadiyo, wuxuuna xusay inuu ku sugnaa gobolka Jubbada hoose halkaas u aaday arrimo shaqo ka hor inta aan la afduubin oo lagu qasbin inuu kamid noqdo ururka Alshabaab, sida uu sheegay.

Jamaal Cali Cusmaan wuxuu sheegay in tababaro la siiyay kadibna loosoo wareejiyay dhinaca buuraha Galgala, halkaas oo uu uga qeyb qaatay weeraro ka dhan ah ciidamada Puntland ee sugan Galgala.

Wuxuu sheegay inuu lasoo goostay hub iyo saddex qori oo labo kamid ah uu kasoo furtay Shabaabkii uu dilay, kadibna uu iskusoo dhiibay ciidamada Puntland ee ku sugan tuulada Af-urur ee gobolka Bari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online