
newsinsideDeegaanada howlgalada aay ka sameeyeen ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland waxaa ka mid ahaa Beerxaani, Golashimbi, Labikuus, Cabdi dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan Jubbada Hoose oo aay ku sugnayeen intooda badan dagaalamayaasha Shabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in khasaare xoogan aay gaarsiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab inta aay howlagalada ku guda jireen.
Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay in howlagalada aay kula dagaalamayeen Shabaab aay ku dileen 16 askari oo ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab, isagoona intaa ku daray iney sii wadi doonaan howlahalada aay kula dagaalamayaan Al-shabaab.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]