4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 13, 2021
Mayar ka Hargaysa oo ka tanaasulay xilka mayarka oo uu markale u ordayay
 

Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Mayarka caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa kursiga mayarka  Hargaysa oo uu marlabaad u ordayay uga tanaasulay xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge.

Soltelco ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kula taliyay in uu Mooge u tanaasulo.

“Waxan ka noqday hankaygii ahaa in aan u tartamo mayorka caasimada, waxan u mahad celinaya madaxweynahayga talaabada isoo jeediyay” ayuu yidhi Soltelco.

“Waxan halkan uga hambalyaynayaa saxibkay Cabdikariim Axmed Mooge oo ah ninka aan uga tanaasulay in uu noqdo mayorka caasimada”.

“Taageerayaashayda way ku adagtahay, muddo ayay soo xarbiyayeen, lakinse kursigu laba uma qaybsamo, oo qof uun baa ku fadhiista, hadii aan laysku haniyayna waxay noqotaa foolxumo” hadalkiisa kusii daray Soltelco.

Loolanka mayorka kursiga mayorka caasimada Hargaysa ayaa hada u muuqda mid looga wada tanaasulay xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge oo aha musharixi ugu codka badnaa golaha deegaanka cusub ee Hargaysa, waxan ugu danbeeyay mayor Soltelco oo hada taanaasulay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]