4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 10, 2021
Xasan Sheekh Maxamuud "Dhalinyaradii loo qaaday Eretariya madaxda talada haysa ayaa iibsatay"
 

Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay dhalinyaradii dowladda Fedaraalka Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday qadan Eretariya, ee la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo cusla oo ka dhacay gobolka Tigreeyga ee dalkaasi Itoobiya.

Madaxweyne hore Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhalinyaradaasi markii horeba loo qoray in lagu fushado dano siyaasadeed oo gaar ah, islamarkaana madaxda dowladda Soomaaliya aay ilaa hada ka meermeereyso iney xaalada dhalintaasi jawab waafi ah ka bixiyaan.

"Lama aqbali karo in dhalinyaro Soomaaliyeed oo aay dowladdu u dirtay tababar ciidan aanan warkooda la heynin, masuuliyiintii howshaas ka dambeeyay waa iney waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed u cadeeyaan masiirka caruurta Soomaaliyeed" ayuu yiri Xasan sheekh.

Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray dhalinyartaasi tababarka loo geeyay Eretariya la iibsaday waalidiinta dhashayna ilaa hadda walaac xoogaan aay ka qabaan.

Hadalka madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Qaramada Midoobay aay xaqiijisay jiritaanka wararka sheegay in ciidan Soomaaliyeed ee tababarka u joogay Eretariya laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay gobolka tigreega.

Waxaa sidoo kale ka hadlay warbixinta Qaramada Midoobay ku cadeysay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu qaaday Eretariya laga qeyb galiyay dagaaladii Itobiya  hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Raysal wasaare Rooble ugu baaqay inuu si deg deg ah usoo fara geliyo walaaca iyo badqabka laga muujinayo ciidankii loo qaaday Eratariya oo marar badan waalidiintooda aay dhigeen banaanbaxyo dareenkooda cabasho aay kaga muujinayaan war la,aanta ka haysatay caruurtooda waxa aay ku sugan yihiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]