7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 9 , 2021
Jubbaland oo faahfaahin ka bixisay sababtii Kismaayo looga soo celiyay la taliyahii madaxweyne Farmaajo
 

Jimco, Luulyo, 9, 2021 (HOL) - Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle sare Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa faahfaahin ka bixin sababtii looga celiyay magaalada Kismaayo la taliyahii arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo.

Taliye Sadiiq Maxamuud ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage magaalada Kismaayo looga celiyay sababo la xariira amniga, islamarkaana sheegay iney si gaar ah ula socdeen dhaqdhaqaaqyadiisa.

"Cabdi Cali Raage waxaa uu ka mid ahaa dadka ka faa’iideysanayey khilaafka Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo mudaba dheer ka shaqaynaayey dibin daabyeynta maamul goboleedka Jubbaland” ayuu yiri taliyaha qeybta Booliiska gobolka Jubbada Hoose.

Gashaanle sare Dhogor ayaa sidoo kale sheegay in Cabdi Calu Raage inuu hormuud u yahay koox uu sheegay iney gudaha magaalada Kismaayo ka wadaan dhaqdhaqaaqyo la xiriira amni darada, islamarkaana uu doonayay inuu hub usoo geliyo magaalada si loogu dhibaateeyo nabada iyo xasiloonida ka jirta Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigay taliye Sadiiq Maxamuud Dhogor.

Hadalkan kasoo baxay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Jubbada Hoose ayaa imaanaya xili shalay laga soo celiyay magaalada Kismaayo la taliyahii arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo Cabdi Cali Raage, kaasoo qirtay in laga soo celiyay Kismaayo, isagoona sheegay inuu ahaa musharax u taagan golaha Shacabka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]