4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo ka hadlay arrinta xildhibaankii sheegay in uu afduub ka bad baday
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay baadhis ku samayso arrinta xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo sheegay in xukuumada Somaliland ku afduubi gaadhay gudaha dalka Itoobiya.

Cirro ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyo golaha wakiilada ee cusub looga fadhiyo in  ay baadhis qoto-dheer ku samayaan arrinta xildhibaan Mustafe, oo katirsan xisbiga Kulmiye kaasi oo ku andacooday in xukuumadu Somaliland isku  dayday in ay afduubto iyadoo adeegsanaysa sirdoonka Itoobiya.

"Waxa uu ka hadlay arrin ah in uu dal aynu jaarnahay tagay, dabadeedna ay ciidamo geeyeen meel saldhig ah, dabadeedna markii la yidhi maxa lagu haystaa ay nimankii waday yidhaahdeen dowladiisa soo dacwaysay, arrintaasi in ay dhabtahay waxay waajib ku tahay xukuumada, waa in ay baadhaa" ayuu yidhi.

"Arrintaasi waa in ay xuumado baadho oo ay daba gasho oo ay xaqiiqadeeda keento sidookale golaha wakiilada ee cusub waxa ku  waajib ah in uu daba galo, oo meelkasta oo ay gashaba la galo, kiis kaasi waa in la xidhaa oo xaqiiqada laga keena inta xukuumadani xilka hayso" ayuu hadalkiisa kusii daray.

Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo ka soo baxay xisbiga Kulmiye, ayaa ku andacooday in uu ka bad baaday shirqool afduub ah oo ay xukuumada Somaliland  u maleegtay xili uu Addis ababa joogay iyadoo adeegsanaysa sirdoonka Itoobiya.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online