9/16/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dad shacab ah oo lagu dilay gobolka Mudug
  

Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhagxanya Cadde oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi Xalay lagu dilay dad shacab ah.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in xalay Saqdii dhexe 2 qof oo shacab ay ku dileen hoygooda oo ku yaala deegaanka Dhagxanya Cadde mid kalana uu ku dhaawacmay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilka dadka shacabka ah ay fuliyeen Maleeshiyaad ku hubeysanaa qoryaha AK-47, waxaana dilka kadib ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dilka dadkan shacabka ah loo geystay xalay ay la xiriirto aargoosi aanooyin qabiil ah, waxaana muddooyinkii dambe deegaano ka tirsan gobolka Mudug kusoo kordhayay dilalka la xariira aanooyinka qabiil.

Degmada Galdogob iyo deegaanada ku dhawdhaw ayaa saaka dhacdadaan lagu dilay dadka shacabka ahaa si weyn looga hadal hayaa, waxaana halkaasi laga dareemaya dhaqdhaqaaqyo la xiriira xiisad ka dhalatay dadka la dilay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/27/2021 9:34 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku boggaadiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam soo gudbinta Liiska qaar kamid ah musharaxiinta u tartamaya golaha aqalka Sare.

7/27/2021 8:08 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah usoo gudbiyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeyb ka mid ah.

7/27/2021 6:50 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha bulshada ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxammed Sadiiq Dhame, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashiinkii baadhista dhiigaga ee uu laha isbitaalka Ceerigaabo la xaday isla markaana loo iib geeyay Garowe.

7/27/2021 5:13 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa deeq waxbarasho u ballanqaaday Yacquub Mursal Yuusuf oo ahaa ardaygii ugu sareeyay imtixaankii shahaadiga ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare Puntland.

7/27/2021 5:03 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda ayaa kala bar dhimay miisaaniyadda ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, ka dib markii askarta Kenya ay si qarsoodi ah uga baxeen howlgalka AMISOM.

7/27/2021 1:50 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda guddiga hirgelinta doorashoyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee Jubbaland.

7/27/2021 1:04 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in Khamri iyo Xashiishad aan tiro lahayn Somaliland si sharci daro ah lagu soo galiyo, isla markaana booliisku fashiliyay tabo layaable oo dadka ka ganacsada maandooriyuhu isticmaalaan.