4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u dhoofay dalka Ingiriiska
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ka duulay magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ujeedka safarka Raysal wasaaraha iyo wafdigiiaa ayaa lagu sheegay ka qeybgalka shir heer Caalami ah oo ka dhacaya magaalada London, kaasoo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada caruurta.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya madax kala duwan oo kasocota dalal badan oo ka tirsan Caalamka waxaana shir gudoomin doona Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson.

Raysal wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska waxaa lagu wada inuu kulan la qaadan doono dhigiisa dalkaasi Boris Johnson iyo madax kale, islamarkaana kala hadli doona arrimaha Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Raysal wasaare Rooble uu ku tago dalka Ingiriiska tan iyo markii loo magacaabay xilka Raysal wasaaraha Soomaaliya.

     
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]