4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Ramla Cali oo maanta ciyaareysa tartanka Feerka oo ay Soomaaliya ku mataleyso
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa maanta galinka dambe ciyaareysa tartanka Feerka Olimbikada ee ka socda wadanka Japan, kaasoo ay Soomaaliya ku mataleyso qeybgalkeeda.

Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa galabta la ciyaari doonta gabar u dhalatay dalka Romania oo lagu magacaabo Maria Claudia, taasoo ay wada feertami doonaan, waxaana feerkooda uu noqon doona kii 16-aad ee tartanka.
 
Ramla Cali ayaa horay usoo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Muslim ah oo tartan feer ku guuleysata, waxayna markale dalkeeda Soomaaliya u sameyneysa taariiq muhiim ah.

Gabadhaan Soomaaliyeed ee Ramla Cali ayaa sanadkii 2017 ku guuleysatay tartan feer oo ay ka qeybgashay, waxaana guusheedii waqtigaas waxii ka dambeeyay ay go'aansatay in dalka Soomaaliya ay ku matasho tartanada Olimbikada gaar ahaan qeybta feerka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale il gaar ah ku eegaya tartanka adag ee maanta galeyso gabadhan Soomaaliyeed, iyagoona u rajeynaya iney ku guuleysato tartanka ay ku wajahi doonto gabadha u dhalatay dalka Romanai.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]