4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Xildhibaan sheegay in isbahaysiga mucaaradka Somaliland ay ku baayaceen lacag badan
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Xildhihaan Abiibakar Siciid Cali Gaboobe oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa sheegay in xisbiyada isbahaysiga mucaaradka  Somaliland ay u sheegeen in ay siin doonaan $100 kun hadii uu taageero xubnaha mucaaradku u sharaxeen doorashada shirgudoonka wakiilada.

Xildhibaanka ayaa ku andacooday in xisbiyada mucaaradka Somaliland, ay isku dayeen in ay laaluushaan si uu u taageero xubnaha isbahaysiga mucaaradku u xusheen doorashada shirgudoonka wakiilada Somaliland balse uu ka diiday.

"Waxan maqalaa mucaaradka oo leh xildhibaana la iibsanayaa lakiin waxa layaab igu noqotay in aniga la iisoo bandhigay lacag si aan ugu codeeyo mucaaradka, lacag ah $100 kun ayay isoo bandhigeen beena ma sheegayo" ayuu yidhi.

"Arrintaasi waxay igu noqotay wax qariib ah oo aan la yaabay mana ihi qof lacagi goyso, waxan u sheegayaa bulshadayda gobolka Awdal in aan nahay xildhibaanadii aysoo doorteen oo u maqan,  waxanan u balan qaadayaa in aan u taaganahay wixi lanoosoo doortay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waa markii ugu horaysay ee xildhibaan ka tirsan xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye uu sheego in xisbiyada mucaaradku lacag usoo bandhigeen, hore xildhibaano katirsan mucaaradka ayaa ku andacooday in xukuumadu laaluushayso xildhibaanada isbahaysiga.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]