4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Magaalada Diridhabe oo ay maanta ka dhaceen banaanbaxyo waawayn
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Diridhabe ayaa subaxnimadii hore ee maanta isugu soo baxay banaanbax ay ku taageerayeen Ciidamada Qaranka Isla markaana ay kaga soo horjeedeen kooxda TPLF.

Banaanbaxan ayaa ka dhacay banaanka wayn ee lagaharka hortiisa, waxayna dadkii isugu soo baxay goobtan ay wateen boodhadh ay ku cabirayeen sida ay uga soo horjeedaan TPLF, iyo waliba taageerada ay u hayaan Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanada ee dagaalka kula jira kooxda TPLF.

Qaybo dalka Itoobiya ka mid ah ayay maanta sidanoo kale banaanbaxyadu uga socdaan, iyadoo guud ahaan dalkaasi ay maalmihii u dambeeyay kasoconayeen banaanbaxyo lagaga soo horjeedo TPLF, sidoo kalena ay socdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo degaanada dalka laga soo ururinayay ciidamo lagaga hortago kooxda TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]