4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Afhayeen cusub oo loo magacaabay Booliiska Soomaaliya
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa magacaabay Afhayeenka cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Cabdifataax Aadan Xasan oo horay uga mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliiska, waxaana lagu bedalay Sadiiq Aadan Doodishe oo horay u ahaa Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa magacaabista sarkaalkan cusub ee lagu bedalay afhayeenkii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo muddo badan ku magacaawna xilkaasi.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa faray afhayeenka cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee horyaala.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]