4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo magacaabay Guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Faqi ayaa maanta magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare.

Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Faqi ayaa ka kooban 11 xubnood waxayna iska dhex dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Xubnahan ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee soo magacaaba guddiga Xildhibaanada ee qabashada doorashada Xildhibaanada aqalka sare, waxaana horay guddigan oo kale u magaacabay maamulka Jubbaland oo noqday maamulkii ugu horeeyay.

Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ay taariiqda ku beegan tahay 25/7/2021 ayaa lagu waday inay bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare balse ay dib u dhacday sababo la xiriira dowlad goboleedyada oo aan badi dhameystirin habraacii loo qaban lahaa doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]