4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Ciiddanka booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay maleyshiyaadkii ku dagaalamay Ex-kantarool Afgooye
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka booliiska Soomaaliya, ayaa xalay magaalada Muqdisho kusoo bandhigay maleyshiyaadkii ka dambeeyay is-rasaasayn shalay subax ka dhacday Ex-kantarool Afgooye, halkaas oo ay ka dhalatay dhimashada afar qof oo shacab ahaa.

Ciiddamada booliiska ayaa maleyshiyadan iyo hubkooda kusoo qabtay howlgal qorshaysan oo xalay fiid laga sameeyay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii laamaha amnigu dabagal ku sameeyeen.

Afhayeenka ciiddamada booliiska Soomaaliya, Cabdifataax Xasan Aadan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maleyshiyadan gacanta lagusoo dhigay iyagoo ku sugnaa isbaarooyin u yiilay gudaha Deyniile.

“Ciiddanka booliiska Soomaaliyeed waxay qorsheeyeen operation lagusoo qabqabanayo maleyshiyaadkaas. Ciiddanka qeybta booliiska gobolka Banaadir oo iskaashanaya, xuuraan iyo dababagal dheer kadib, waxay abbaaro kow iyo tobankii galabta (shalay) weerareen goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen maleyshiyaadkii dilka iyo dhaca u geystay bulshada Soomaaliyeed, waxayna gacanta kusoo dhigeen qaar kamid ah iyo hubkoodii,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.”

Afhayeenka ciiddanka booliiska wuxuu sheegay in la horgayn doono caddaalada, si loogu qaado dambiga ay ka geysteen ex- kantarool Afgooye, halkaas oo ay dad shacab ah oo ay waayeel ay ku jiraan ku laayeen.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online