4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Indonesia'' Diyaarad siday 50 qof oo rakaab ah oo la waayay

 

Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) -Diyaarad Rakaab ah oo ay la socdeen in ka badan 50 qof ayaa la waayey waxyar uun ka dib markii ay ka duushay caasimada Indonesia ee Jakarta.

Diyaaraddan Sriwijaya Air Boeing 737 ayaa lumisay xiriirkii  ay la laheyd gobalka Pontianak  ee gobalka West Kalimantan ee dalkaasi Indonesia.

Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay in ay socdaan howlo baadi goob iyo badbaadin ah.

Shirkadda duulimaadyada ee Sriwijaya Air ayaa sheegtay inay weli uruurineyso macluumaadka duulimaadka, halka dadka deegaanka ay diyaaradan ugu war danbeysayna sheegeen in ay arkeen walxo u eg burbur diyaaradeed.

Baadigoobka diyaaradan ayaa bilaawday kadib markii isgaarsiinta diyaarada la waayay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada caasimadda ah ee Jakarta sida ay sheegtay Wasaarada gaadiidka dalkaasi.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]