4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay saxiixday wax heshiis ah oo ku saabsan qodida Shidaalka Soomaaliya
 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay arrimaha Shidaalka ee aadka loo hadalyay toddobaadkaan, wuxuuna xaqiijiyay in aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan qodida Shidaalka Soomaaliya oo lala saxiixday shirkaddo ajanabi ah.

" Cid wax lala saxiixday ma jirto shirkaduhu waa imaan karaa waana yimaadaan,qaarbaa maalin dhawayd yimid wadahadalo la wada galay,wax hadda la saxiixayna ma jiraan. Waxaa la saxiixi markii annagu oggolano, dowladdu jaranjaro ayay leedahay markii sharci la samaynayo jaranjaradaas marka ay soo dhammaato ciddii wax saxiixaysay ayaa saxiixaysa". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay arrimaha deyn cafinta, isagoo tilmaamay in hannaanka Maaliyadda dowladda dib-u-habaynta badan iyo horumarka laga sameeyay dhawrkii sanno u la soo dhaafay.

Diiwaan gelinta shaqaalaha dowladdu ayuu sheegay in ahayd taallaabo horumar wayn laga sameeyay si loo saxo hannaan bixinta musharaaradka shaqaalaha rayidka iyo kharashaadka Hey'adda dowladda ee kala duwan.

Waxa uu sheegay sidoo kale wax soo saarka dakhliga gudaha inuu kordhay sanadihii u dambeeyay iyadoo Miisaaniyadda dowladda ee Baarlamaanka uu dhawaan ansixiyay ay gaartay 860 milyan oo doollar sanadkaan 2021.

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale in Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya uu meel wanaagsan marayso, Deyntii Soomaaliya lagu lahaana bar laga cafiyay inta hartayna qorshuhu yahay in la cafiyo waqtiga lagu heshiiyay ee 2022-23 haddii dowladda Soomaaliya sharuudaha iyo heshiisyada Deyn cafinta ay ka soo baxdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]