4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay kasoo jawaabi waayeen dhexdhexaadintii uu waday
 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in aysan wax jawaab ah kasoo noqon Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii uu waday ee ahaa in la dhameeyo tabashooyinka ay ka qabaan doorashada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo uu Garowe kula kulmay inuu kasoo qaaday saddex qodob oo ay ka dalbadeen madaxda qaranka in la fuliyo.

Wuxuu sheegay markii uu Muqdisho tagay ee uu la kulmay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha inuu u gudbiyay qodobadii ay dalbadeen labada maamul, kadibna wuxuu sheegay in ay madaxda dowladda federal kasoo jawaabeen, uuna gudbiyay madaxweynayaasha labada maamul.

Balse, madaxweyne Qoor qoor wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in wali Puntland iyo jubbaland aan jawaab ah kasoo noqon.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka”, ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Dhinaca kale warar HOL, helayso ayaa sheegaya in ay kulan gaar ah Garowe ku leeyihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyagoo soo saaridoona mowqifkooda ku aadan go'aan Muqdisho kasoo baxay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]