4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Hay'adda caafimaadka adduunka oo codsatay $1.23 milyan oo wax looga qabanayo saamayntii ka dhalatay duufaantii GATI
 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa codsatay 1.23 milyan oo doolar si ay u sii waddo waxqabadyada lagu caawinayo Soomaaliya si looga gudbo cawaaqib xumada ka dhalatay duufaantii Gati ee ku dhufatay maamul goboleedka Puntland bishii Nofeembar iyo sidoo kale ka hortagga cudurrada ka dhasha biyaha.

Hay’addu waxay sheegtay in Duufaantu ay burburisay xarumihii caafimaadka iyo nidaamyadii fayadhowrka ee aagga, taasoo ka dhigtay kumannaan qof oo nugul in aysan haysan hoy iyo nolol.

Sida laga soo xigtay WHO, dhammaadkii Diseembar, duufaanku waxay dishay sagaal qof, iyo in ka badan 63,000 xoolo ah, waxay kaloo saameeyay 183,000 qof.

Qiimeyn deg deg ah oo ku saabsan aagagga ay dhibaatadu saameysey, ayaa muujisay in cuntada, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda, hoyga degdegga ah iyo ka hortagga cudurada ka dhasha biyaha, ay yihiin baahiyaha bani'aadamnimo ee ugu muhiimsan dadka ay dhibaatadu saameysey.

Degmooyinka ugu badan ee duufaantu saamaysay waxaa kamid ah Caluula, Benderbayla, Bosasso, Iskushuban iyo Qandala oo katirsan Puntland, sidoo kale Ceerigaabo iyo Laasqoray oo katirsan Somaliland, waa sida ay sheegtay WHO.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]