4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Ayax ku daggay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) - Warar ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay uu ku daggay Ayax raxan raxan u socda beeraha degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Ayxan oo mid aysan waxba ka qaban karin dadka beeraleyda ah ayaa sheegay in uu gabi ahaanba uu baabi'ayay beeruhu uu ku deegay iyo daliggii sanadkan ay filayeen dadka ku dhaqan gobolka.

Beeraleyda ayaa intaa ku darray in isku dey ay sameeyeen si ay uga hortaggaan ay awoodi waayeen, iyaga oo fariin u dirray dowladda Soomaaliya in arrintan wax ka qabtaan.

Ayaxan oo dhibaato ba'an ku haya wadamo badan oo dhaca Qaarrada Africa ayeey Beeraleyda Soomaaliyeed cabashadooda ugu weyn tahay in aysan heysan agab ay uga hortagaan, taa badalkeedana ay idha ka daawadaan Ayaxa oo baabi'inaya dalaggii ay dhigteen oo ay hanti badan ka gashay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]