Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Jenaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka Hotel Afrik
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Allah u naxariistee waxaa goordhaw la xaqiijiyay inuu geeriyooday Jenaraal Maxamed Nuur Galaal kadib weerar galinkii dambe ee maanta Al-shabaab ku qaadeen Hotel Afrik janaraalka oo ka mid ahaa Sarakiishii hore ee dowladda Soomaaliya.
Geerida Jenaraal Maxamed Nuur Galaal waxaa bartiisa Facebook ku xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo aay qaraabo yihiin, Jenaraalka ayaa ka mid ahaa dadkii ku jiray gudaha Hotelka xiligii uu weerarka bilaawday kuna dhex go'doomay waxaana la sheegay in dalableydii Hotelka gashay ay toogteen Jenaraalka.
Ma jirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarka Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Mas'uuliyiin laga soo badbaadiyay Hotelka Afrik oo wali laga maqlayo rasaas culus
1/31/2021 1:06 PM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaar ah u tababaran ayaa lagu waramayaa in ay ku guuleysteen soo badbaadinta qaar ka mid ah dadkii ku jiray Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo maanta casir liiqii ay weerar culus ku qaadeen dabley ka tirsan Al-shabaab.
Guddoomiyaha ONLF " Dawladdu si joogto ah ayay weerar noogu haysay"
1/31/2021 12:42 PM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha Ururka ONLF C/raxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa ku eedeeyay Dawladda Degaanka Soomaalida inuu ku hayo weerar toos ah iyo mid dadban.
Beesha caalamka oo soo dhowaysay go'aanka madaxweyne Farmaajo ee qabashada shirka Dhuusomareeb
1/31/2021 12:25 PM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhaweeysay go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku aadan qabashada shir wadatashi ah oo uu la yeelandoono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono Dhusamareeb.
Qaryaqaan Mubarik Aar oo sharcidaro ku tilmamay habka ay gudida xulista musharixinta ee xisbul xaakimka Kulmiye ku aqbaleen musharaxnimada mayor Soltelco
1/31/2021 12:11 PM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Garyaqan Mubarik Aar oo manta warbahinta kula hadlay magalada Hargeysa, ayaa sheegay in gudida xulista musharixinta ee xisbiga kulmiye anay si hufan uga fiirsan musharxnimada mayor Soltelco ee uu marlabad ugu ordayo golaha deeganka ee casimada Hargeysa.
Faah faahin ku saabsan dabley gudaha u gashay Hoteel Afrik ee magaalada Muqdisho
1/31/2021 10:24 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Wali waxaa la maqlayaa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox dabley ah oo gudaha u gashay Hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.
Qarax iyo weerar wada socda oo goor dhaw lagu qaaday Hoteel Afrik ee magaalada Muqdisho
1/31/2021 9:43 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Weerar ku bilaawday ismiidaamin ayaa goor dhaw lagu qaaday Barkootarool oo ku taala waddada aada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo Qaraxa ismiidaamin ah kaddib wararku sheegayaan in dabley hubeysan gudaha u galeen Hotelka Afrik ee ku yaala isla goobta.
James Swan oo madaxweyne Farmaajo ku boggaadiyay shirka uu ku baaqay
1/31/2021 8:21 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa soo dhaweeyay baaqii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shirka lagu waddo in uu ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb.
Axmed Madoobe'' Wakiilka Qarramada Midoobey waxaa isla garannay in ay wanaagsan tahay in leysku tanaasulo
1/31/2021 8:00 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland iyo wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey James Swan oo wadajir shir jaraa'id ugu qabtay magaalada Kismaayo ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wax -yaabihii ay ka wada hadleen.
Dagaal mar kale laga cabsi qabo degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo
1/31/2021 6:37 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Axmed Buule Gareed ayaa sheegay in wali ay taaggan tahay cabsi laga qabo dagaal mar kale a dhici kara gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.
Guddiga xalinta dhibaatada qiime dhaca shillinka Soomaaliga oo Bosaso kula shiray ganacsatada
1/31/2021 6:24 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Guddiga xalinta dhibaatada qiime dhaca shillinka Soomaaliga ee Puntland ayaa maanta ku baaqay in meel looga soo jeesto shakhsiyaadka xagal daacinaya dadaalada loogu jiro socod siinta lacagta shilinka Soomaaliga oo weli laga diidan yahay gudaha Puntland.
Wakiilka Qarramada Midoobey oo gaaray magaalada Kismaayo
1/31/2021 3:16 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Kismaayo xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland.
Faahfaahino kasoo baxaya dad shacab ah oo lagu xir xiray magaalada Baledweyne
1/31/2021 3:04 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhalinyaro xalay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabad-sugida Baledweyne aay ku xireen magaalada Baledweyne.
Koonfur Galbeed oo ka hadashay duqeymo xalay laga fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool
1/31/2021 12:11 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dlay duqeyn diyaaradeed oo xalay lala eegtay deegaanno ay ku sugnaayeen oo ka tirsan gobolka Bakool.
Jubbaland oo soo dhaweysay shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo
1/31/2021 12:02 AM EST
Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) -Wasiirka Wasaarrada Warfaafintan Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso dhankeeda shirka uu maalintii shalay ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka furmaya magaalada Dhuusa-Mareeb.
Somali News
Former top military general killed in Al-Shabaab raid on Mogadishu hotel
-
HOL
1/31/2021 6:19 PM EST
Mogadishu (HOL) - General Mohamed Nur Galal has been confirmed as among the 11 dead after Al-Shabaab militants attacked the Hotel Afrik in Mogadishu on Sunday.
Update: Ex Minister and Former General killed, fears of rising casualties in Mogadishu hotel attack
-
HOL
1/31/2021 12:11 PM EST
MOGADISHU (HOL) - A retired army general and former minister of state are among those who have been killed in the ongoing siege at Hotel Afrik in Mogadishu amid fears of rising casualties as security forces engage the militants holed up in the hotel.
Bomb explosion hits a hotel in Mogadishu
-
HOL
1/31/2021 9:38 AM EST
MOGADISHU (HOL) - A car bomb has hit the entrance of Hotel Afrik along the airport road in Mogadishu followed by sustained gunfire.
UN head James Swan arrives in Kismayo for final electoral talks with FMS leaders
-
HOL
1/31/2021 6:51 AM EST
KISMAYO (HOL) - The head of UN in Somalia James Swan arrived in the coastal city of Kismayo Sunday in his last round of Federal Member States tours where he is expected to secure a deal with president Ahmed Madobe on the upcoming elections amid fears of poll delays and instability.
Bahrain Seizes Shipment Of 1,740 Somali Cows, Sheep For Foot- And-Mouth Disease
-
The Daily Tribune Bahrain
1/31/2021 12:52 AM EST
Bahraini authorities seized a shipment of cows and sheep from Somalia for detecting symptoms of foot-and-mouth disease.
Everyone wants to close Minnesota’s achievement gap. Students say it starts with hiring more teachers of color.
-
Sahan Journal
1/31/2021 12:35 AM EST
‘Undo the systemic racism in education’: Teenagers tell legislators they need teachers who look like them.
Ethiopia says Tigray back to normal; witnesses disagree
-
AP
1/31/2021 12:15 AM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — Ethiopia’s government has privately told Biden administration staffers its embattled Tigray region has “returned to normalcy,” but new witness accounts describe terrified Tigray residents hiding in bullet-marked homes and a vast rural area where effects of the fighting and food shortages are yet unknown.