4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Guddiga xalinta dhibaatada qiime dhaca shillinka Soomaaliga oo Bosaso kula shiray ganacsatada
 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Guddiga xalinta dhibaatada qiime dhaca shillinka Soomaaliga ee Puntland ayaa maanta ku baaqay in meel looga soo jeesto shakhsiyaadka xagal daacinaya dadaalada loogu jiro socod siinta lacagta shilinka Soomaaliga oo weli laga diidan yahay gudaha Puntland.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire oo xubin ka ah guddigan ayaa sheegay in ay la shireen ganacsatada magaalada Bosaso ayna isla qaateen in lacagta Soomaaliga la socodsiiyo si jahwareerka bulshada looga saaro.

"Dhammaan waxaa la kulanay ganacsatada bixiya adeegyada bulshada, waxaan muddo shan cishe ka wada hadlaynay in lacagta la socodsiiyo, meelna loogasoo jeesto dadka dhibaatada wada, waxay nala qaateen in lacagta la socodsiiyo oo wax lagu iibsado," ayuu yiri Faarax Cali Shire.  

Faarax Cali Shire ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay lacagahooda shilin Soomaaliga dhigtaan bangiga dhexe ee Puntland ayna ku bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

Magaalada Bosaso ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ka taagan yihiin caqabadaha shilin Soomaaliga, waxayna saldhig u tahay ganacsiga ugu badan ee yaala Puntland, talaabo kasta oo ay sameeyaan ganacsatada Bosaso waxay si toos ah u saameeysaa magaalooyinka kale.

Dhinaca kale, bangiga dhexe ee Puntland ayaa jaangoyn u sameeyay sarifka lacagaha, wuxuuna sheegay in halkii dollar lagu jaangooyay 40kun oo shilin Soomaali ah halka gacanta dambana ay tahay 42 kun oo ah markaad shilin Soomaali ku bedelaysid dollar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online