4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Koonfur Galbeed oo ka hadashay duqeymo xalay laga fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dlay duqeyn diyaaradeed oo xalay lala eegtay deegaanno ay ku sugnaayeen oo ka tirsan gobolka Bakool.

Deegaannada ay duqeyntani ka dhacday ayaa waxaa ka mid ahaa Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey, oo ku xooggan yhiin dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in duqeymahan qeyb ka yihiin howlgalo la doonayo in lagu wiiqo awooda Al-shabaab ee gobolka oo deegaanno badan ay ku go'doomiyeen.

Habeen hore ayeey aheyd markii ayeey markii sidan oo kale deegaan hoostaga degmada Xudur duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ma jiro dhinaca Al-shabaab wax war ah oo ka soo saareen duqeymahan is daba jooga ah ee lagu bartilmaameedsaday saldhigyadooda gobolka Bakool.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]