4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Jubbaland oo soo dhaweysay shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo

 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) -Wasiirka Wasaarrada Warfaafintan Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso dhankeeda shirka uu maalintii shalay ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka furmaya magaalada Dhuusa-Mareeb.

Wasiirka waxaa uu sheegay in shirkaasi ay u arkayaan mid qeyb uun ka ah baaqii madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland oo dalbaday in la qabto shir deg deg ah oo looga arinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka.

''Shirkaasi waxaa u arkaan shir wanaagsan, waayo waxaad ogtihiin in madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland ay labaduba ku baaqeen in shir leysugu yimaado, sidaa daraadeed mar haddii uu madaxweynuhu uu ku baaqay shirkaasi waxaan u arkeynaa arin wanaagsan'' ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay waxa ka soo bixi kara shirka iyo uu jiro isbadal ku yimid dhankooda marka la eego qoddobadii markii horeba leysku hayay ayuu sheegay in ajandaha shirku yahay heshiiskii 17kii September ee sanadkii hore laga gaaray doorashooyinka dalka iyo caqabadaha wali ka jira sida Guddiyada leysku hayo ee lagu muransan yahay, Arintan Gobollada Waqooyi iyo waliba Gobolka Gedo, ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Warfaafinta.

Maalintii berri ah oo Isniin ah ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb, inkastoo laga yaabo in uu dib u dhaco madaama uu u baahan yahay shirku qaban-qaabo intan ka ballaaran,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]