4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Beesha caalamka oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in si deg deg ah lagu xalliyo caqabadaha doorashada
 

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa kulan ay maanta la qaateen madaxweyne Farmaajo waxay ugu baaqeen in si degdeg ah loo xalliyo caqabadaha hortaagan arrimaha doorashada.

Hadalka beesha caalamka ayaa ka hor imaanaya war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu sheegay in wakiilada caalamka ee la kulmay madaxweyne Farmaajo ay dowladda ku bogaadiyeen tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in beesha caalamka ay ku garab taagan tahay dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Kulankaan ayaa kusoo aaday xilli maalintii shalay ay Saaxiibada beesha caalamka ay soo dhoweeyeen magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27kii bisha Janaayo.

Waxay ku tilmaameen tallaabo gacan ka geysan karta abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online