4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Koox ka shaqeeysa la socoshada hubka oo shaaciyay in Al-shabaab uu gacanta u galay hubka xuutiyiinta ku dagaalamaan
 

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) - Koox lagu magacaabo Calibe Obscura oo ka shaqeeya la socoshada hubka ayaa soo bandhigay macluumaad ku saabsan in hub ay Iiran siisay Xuutiyiinta Yemen uu gacanta u galay Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Kooxdan ayaa bartooda twitterka ku shaaciyay sawiradda hub uu kamid ah qoriga PG7-ATI oo ay Iiran soo saarto, kaasoo kamid ahaa am ku jiray hub ay Al-shabaab soo bandhigtay oo loo adeegsaday weerarkii  saldhiga ciidanka Maraykanka ee Kenya (Manda Bay)

Al-shabaab ayaa jimcihii shalay baahisay filim lagu soo bandhigay howlgalkii ay ku beegsadeen saldhiga ciidamada Maraykanka ee Kenya iyo dagaalamayashii weerarkaas fuiliyay oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

Kooxdan ayaa sidoo kale sheegay in hubka Al-shabaab ay u isticmaaleen weerarkaas ay ku jireen qoryo lagala baxay xeradii tababarka Imaaraatka ee Muqdisho, oo sanadki 2018 lagula kacay boob loo geystay hubkii xerada yaalay.

Sanadkii hore, koox katirsan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in madaafiic ay soo saartay dowladda waqooyiga Kuuriya, ay Al-shabaab ku weeraren xerada Xallane oo ah taliska ciidanka midowga Afrika ee AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online