4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Xarunta Boosteejada gaadiidka waawayn ee Dawanle oo xariga laga jaray
 

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo Wasiirada Wasaaradda Gaadiidka ee heer fadaraal ayaa si wada jir ah xariga uga jaray Boosteejada gaadiidka waawayn ee xamuulka oo laga furay magaalada Dawanle.

Xaruntan ayaa ah mid ay adeegsanayaan gaadiidka waawayn ee xamuulka, kaas oo u kala socda Itoobiya iyo Jabuuti, waxayna goobtani u adeegsanayaan kala horeynta xamuulka ay kasoo qaadayaan dakadda Jabuuti.

Xaruntan ayaa markiiba qaadaysa (500) oo gaadiidka waawayn ee xamuulka ah, iyadoo baaxada dhulkuna dhan yahay 9000 oo hiktar.

Xaruntan maanta xariga laga jaray ayaa yarayn doonta culayskii horey uga jiray dhanka gaadiidkan waawayn xilliga ay soo qaadayaan rarka jabuuti.

Darawalada wada gaadiidkan waawayn ayaa u muuqda kuwa ka baxaya dhibaatadii hadda ka hor ka haysatay meeshii ay sii taagnaan lahaayeen xilliga ay sugayaan rararka iyo alaabaha kala duwan ee ay kasoo qaadayaan dakadda Jabuuti, mar haddii ay heleen xaruntan maanta xariga laga jaray.

 

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]