4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo oo shir ku leh xarunta madaxtooyada Soomaaliya

 

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) -  Wararka ka imanaya madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa kulan uga furmay wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka labada dhinac ayaa lagu waramayaa in looga wada hadlayo arrimaha doorashada cakiran ee Soomaaliya iyo waliba sidii loo qaban lahaa shir ay ka soo qeybgalaan madaxda dowlad gobolleedyada oo loo arinsanayo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka wali ka taagan qabsoomida doorasho ku dhacda wadar-ogol oo dhinac yada oo dhan raali ka wada yihiin.

Sidoo kale shirkan ayaa imanaya iyadoo maanta uu baaqday kulan ay ku baaqeen madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo wali ka biyo-diidan hannaanka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada.

La socon wixii warar ah ee ka soo kordha kulanka...

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]