4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Shirkii ay ku baaqeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo baaqday

 

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) - Qoraal ay wadajir u soo saareen dhawaan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayeey ku dalbadeen in leysugu yimaado maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30ka bisha Janaayo 2021 shir deg deg ah oo looga arinsanayo qabsoomida doorashooyinka dalka, hasse ahaatee waxaa muuqata in shirkaasi uu baaqday.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa midkoodna ku sugneyn magaalada Muqdisho, taasoo ka dhiggan in uusan jirin wax shir ah oo la xiriira doorashooyinka lagu muransan yahay.

Labada dowlad gobolleed ayaa dhawaan soo magacaabay guddiyadii doorashada laga sugayay inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku gacan-seyrtay hannaanka loo maray soo magacaabista gudiyadaas.

Laakiin dhinaca kale marka la eego beesha caalamka ayaa iyagu soo dhaweeyay soo magacaabista guddiyada Puntland iyo Jubbaland iyo waliba shirka ay ku baaqeen labada madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Wali waxaa jirta xiisad ka dhax aloosan Dowladda Dhexe iyo maamulka Jubbaland oo khilaafkoodu cirka isku shareeray tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]