4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2021
Iskusoo bax lagu taageerayo matalaada gobolka Banaadir ee aqalka sare oo Muqdisho ka dhacay
 

Jimco, Janaayo, 29, 2021 (HOL) - Boqolaal shacab ah ayaa ka qeyb galay iskusoo bax lagu taageerayay Matalaada Aqalka sare Soomaaliya laga Siiyay Gobolka Banaadir oo ah 13 xubnood.

Madaxwqeynaha Soomaaliya ayaa shalay saxiixay qaraar ku saabsan in gobolka Banaadir 13 kursi uu ku yeesho barlamaanka aqalka sare ee soo socdo.

Maaamulka gobolka Banaadir oo soo abaabaulay iskusoo baxaan ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin in gobolka Banaadir uu markii ugu horaysay matalaad rasmi ah ku yeesho golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Finish iyo xildhibaano katirsan barlamaanka oo ka qeyb galay iskusoo baxa ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyay inuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee qalinka ku duuga matalaada Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa sheegay matalaada gobolka Banadir in ay astaan u tahay in uu dalku horay u socdo loona joojin doonin dad uu ku tilmaamay in ay dhaqaale ku bixinayaan kala qeybinta umadda.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo uu saxiixay in gobolka Banaaidr uu yeesho matalaad rasmi, hadana qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda ayaa ku tilmaamay ajende siyaasadeed oo arrimaha doorashada uu ku galayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online