4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2021
Dowladda Mareykanka oo soo saartay fariin ku socota madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul goboleedyada
 

Jimco, Janaayo, 29, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ugu baaqday iney ka shaqeyaan sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho nabdoon oo lagu wada qanacsan yahay.

War qoraal ah oo kasoo baxay goordhaw Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa si toos ah loogula hadlay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.

"Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, Siciid Cabdullaahi Deni, Axmed Qoorqoor, C/casiis Lafta-gareen, Cali Guudlaawe iyo Axmed madoobe in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku xaliyaan arrimaha la isku mari la’yahay, iyo tabashooyinka wali taagan, waana in dooarshadu ay ku dhacdaa si nabad ah oo wax qalalaase ah aysan dhicin, waxaana la aqbali doonin doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyin is bar-bar socda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalkan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili saacad ka hor qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka lagu soo dhaweeyay magacaabista guddiyada heer dowlad goboleed ee hirgelinta doorashada Puntland iyo Jubbaland iyo waliba soo jeedintii aheyd in shir isugu yimadaan madaxda dowladda fedaraalka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]