4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2021
Soomaaliya oo mar kale ku celisay mowqifkeeda go'aankii guddiga dhax-dhaxaadinta IGAD

 

Jimco, Janaayo, 29,2021 (HOL) - War qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday Urur Goboleedka IGAD in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo hore loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in warbixinta guddiga ay si weyn u dhaawaceyso dhex-dhexaadnimada iyo maqaamkii Jabuuti ee ahaa saaxiib la aaminay oo dhex-dhexaad ah.

Urur gobolleedka IGAD ayeey ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay baabi'iso warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga xaqiiqo raadinta ee ururka uu u diray xuduudda ay la wadaagto Kenya, ayada oo sheegtay in warbixintaas ay si weyn saameyn ugu yeelatay Kenya.

Qoraalka Wasaarradda


 

 


Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]