4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2021
Qarax miino oo lagu weeraray Askar ka tirsan ciidanka Kenya

Jimco, Janaayo, 29,2021 (HOL) - Ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada amaanka Kenya ayaa lagu dilay seddex kalena waa lagu dhaawacay fiidnimadii Arbacada qarax miino oo waddada dhinaceeda lagu aasay oo ka dhacday degmada Mandheera.

Rono Bunei, oo ah taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi bari ayaa sheegay in werarka uu dhacay kaddib markii gaariga ay la socdeen saraakiisha amaanka uu la kulmay miin waddada dhinaceeda la dhiggay.

Bunei ayaa sheegay in walxaha qarxa la dhigay waddada si ay ula beegsadaan ciidanka halkaa marayay.

"Waxaan sii wadaynaa in aan ku boorrinno wada shaqeyn ka timaadda dadka deegaanka si ay nooga caawiso inaan xakameyno waallidan.

Qofna ma sharixi karo sida bambaanooyinkan loogu dhigo waddooyinka iyadoo aysan ka warqabin dadka deegaanka," ayuu Bunei ku yiri taleefanka.

Wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay dhacdadan aan la helin maadaama ay baxsadeen, isagoo intaa ku daray in ciidamada amaanka ee halkaas gaaray wax yar kadib markii uu qaraxu dhacay ay sheegeen inaysan cidna qaban

 Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]