4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 29, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay ciidanka Kenya

 

Jimco, Janaayo, 29,2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay lumisay aaminaadii iyo kalsoonidii ay ku qabtay ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Qoraal dheer oo ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya oo looga hadlay go'aankii ka soo baxay guddigii dhax-dhaxaadinta ee Urur gobolleedka IGAD u saartay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ayaa qeyb ka mid ah lagu sheegay in dowladda Soomaaliya lumisay kalsoonidii ay ku qabtay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

''Dowladda Soomaaliya waxey lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidanka Kenya qeyb ka yihiin dadaalada la doonayo in dib loogu soo celiyo nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya' ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Khilaafka labada dowladdood ayaa cirka isku shareeray wixii ka danbeeyay weerarkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo oo dowladda Soomaaliya ay rumeysan tahay in ay ku lug laheyd Kenya iyada oo gacan siineysa ciidanka Jubbaland ee weerarka soo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay joogitaankeeda Soomaaliya uga faa’iideysaneyso in ay sare ugu sii qaaddo danaheeda Qaran ee gaarka ah ee ay ka leedahay Somaaliya. 

Lama oga jawaabta ay dowladda Kenya ka bixin doonto war ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ciidanka ka jooga Soomaaliya.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]