4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Hooyo Maryan" geerida iyo kufsiga gabadheyda waxaa ley soo sheegay anigo reerkale dhar u dhaqaayo"
 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo  Warbaahinta kula hadlay xarunta dambi baarista CID-da ayaa sheegay iney gacanta kuso dhigeen nin la sheegay inuu gabar yar ku kufsaday deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho kadibna uu dilay.

Ninkan oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qaasim ayay ciidamada Booliska gacanta kuso dhigeen waxaana uu ku xiran yahay xarunta dambi baarista CID-da si loo dhameystiro baaritaanka kiiskiisa ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Doodishe.

"Eedeysanaha waxuu wajihi doono caddaalada isla markaana waxaa la horgeyn doona maxkamada kiiskiisa awooda u leh " ayuu yiri Afheeynaka Booliiska Soomaaliya.

Hooyada dhashay gabadha yar ee kufsiga loo geystay dabadeedna la dilay oo lagu magacaabo hooyo Maryan ayaa sheegtay in dhimashada gabadheeda loo soo sheegay iyadoo ku jirta dhardhaqow "aad ayaan uga naxay waxay aheyd gabadha kaliya ee caruurteyda gabar ka ah " ayay tiri hooyo Maryan.

Hooyo Maryan waxay intaa sii raacisay in loo sheegay in ninka gabarteeda kufsaday uu guriga ugu tagay kadibna uu yiri abtigaa ayaan ahay soo bax Jalaato ayaan kuso iibinaya sidaasna ay ku raacday markuu kufsadayna uu ceeji ku dilay.

Hooyo Maryan ayaa intaa raacisay in hadda uu u xiran yahay ninka gabadheeda kufsaday waxayna ka codsatay dowladda Soomaaliya iney u toogtaan si ay cadaalad u hesho.

Kiisaska kufsiga iyo dilka isla socda ee aadka u foosha xun ayaa kusoo badanayay sanadahii dambe inta badan gobolada dalka Soomaaliya taasoo aay walaac xoogan ka muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]