4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
James Swan oo soo dhaweeyay magacaabista guddiyada doorasho ee Puntland iyo Jubbaland
 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) - Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa dhoweeyey magacaabista Puntland iyo Jubaland ee guddiyada doorashooyinka isagoo ku tillaabadaas ku tilmaamay mid "wax kuool ah".

Ergayga ayaa hadalkaan ka sheegay, xilli uu warbaahinta maanta kula hadlayey magaalada Jowhar kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Hirshabelle.

James Swan ayaa sidoo kale xusay inkulanka lagu baaqay ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah uu yahay mid waxtar leh.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa maalmo kahor la hadlay madaxda Puntland iyo Jubbaland, isagoo ugu baaqay in xal degdeg ah laga gaaro khilaafka doorashada.

Soo dhowayntiisa ayaa kusoo beegmaysa wax yar kahor markii warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lagu sheegay in guddiyada ay magacaabeen Puntland iyo Jubbaland loo maray sifo sharci darro ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online