4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Dowladda oo ka hortimid guddiyadii doorasho oo ay soo magacaabeen Puntland iyo Jubbaland

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) -  War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa looga hadlay guddiyada doorasho ee heer Federaal oo ay ku dhawaaqeen labada dowlad gobolleed Puntland iyo Jubbaland.

Qoraalka Wasaarrada ayaa lagu sheegay in heshiiskii doorasho ee dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay gaareen 17kii bishii September 2020, oo ay meel mariyeen golaha shacabka iyo hab raacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajir ah loo saxiixay 1dii October 2020, ahaayeen kuwo qeexaya hannaanka loo marayo magacaabista guddiyada doorasho heer federaal iyo heer dowlad gobolleed.

Wasaarrada ayaa sheegtay in guddiyada ay shaaciyeen labada dowlad gobolleed ee Punland iyo Jubbaland yihiin kuwo gabi ahaanba baalmarsan hannaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]