4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Dowladda Kenya oo ka hadashay ka bixitaanka Ciidamada ka jooga Soomaaliya
 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda difaaca dalka Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in ciidamada wadanka Kenya ka jooga gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ineysan ka bixi doonin Soomaaliya.

Monica Juma oo Warbaahinta kula hadashay xerada tababarka UK ee dalka Kenya ayaa sheegtay ineysan qaadin karin go'aanka ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya taasina ay go'aankeeda ay leedahay Qaramada Midoobay iney ansixiso.

"In Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go’aamin karno waa in uu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayay tiri” Monica Juma.

Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya ayaa lagu sheega qiyaas ahaan in ka badan seddax kun oo askari kuwaas oo ka howlgala deegaano badan oo ka mid ah maamulka Jubbaland.

Hadalka Wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa imaanaya xili uu aad usii xoogeystay qilaafka ka dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaaso gaaray in xiriirka u jarto dowladda Soomaaliya dowladda Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]