4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Puntland iyo Jubbaland oo soo magacaabay guddiyadii doorashada heer dowlad gobolleed ee laga sugayay

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) -  Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay waqti danbe ku dhawaaqay guddiyadii doorashada heer dowlad gobolleed oo muddo dheerba laga sugayay kuwaa oo qeyb ka ahaa caqabadaha ku hor gudbanaa in la anba-qaado doorashooyinka heer federaal ee dalka.

Guddiyada ay labada Maamul Magacaabeen ayaa ka kooban min 8 xubnood, ayaa waxaa lagu biirin doonaa min sedex xubnood oo ay soo magacaabi doonto dowladda dhexe ee Federaalka.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaalo la doonayo in lagu fududeeyo doorashada dhinaca kalana wada hadal isugu yimaadaan dhinacyada kala duwan oo ay quseyso doorashada dalka ka hor inta aan la gudagalin.

Hoos ka akhriso magacyada guddiyada doorashada Labada maamul.

Guddiga Jubbaland

1- Siyaas Maxamed Mursal
2- Axmed Maxamuud Cumar
3- Axmed Cabdi Nuur
4- Zamzam Faarax Abuukar
5- Maxamed Cusmaan Gaab
6- Ibraahim Aadan Ibraahim
7- Axmed Yuusuf Maxamed
8- Abuukar Nuur Cabdi

Guddiga Puntland

1- Cabdikariim Muuse Maxamuud
2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3- Axmed Cabdi Maxamuud
4- Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5- Caydaruus Axmed Faarax
6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7-Farxiya Xuseen Maxamuud
8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swana ayaa maalmihii ugu danbeeyayba wada kulamo si daba joog ah oo uu lahaa labada madaxweyne Puntland iyo Jubbaland oo uu kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa ismariwaaga ka taggan doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]