4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Dowladda Kenya oo soo dhoweysay warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta IGAD
 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa waxay soo dhaweysay Warbixinta guddiga Xaqiiqo raadinta ee uu aasaasay madaxweynaha Jabuuti lsmaaciil Cumar Geelle, guddigaas oo ku shaqeynayay waajibaadka IGAD.

Dowladda Kenya waxay sheegtay warbixinta guddiga in ay  cadeynayso xaqiiqda ah in gabi ahaanba aysan sal lahayn eedeymaha dowladda Soomaaliya u soo jeedisay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hor timid warbixinta guddiga, waxayna ku tilmaamtay mid aan xaqiiqada ka turjumayn.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online