Hiiraan Online
1/24/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Dowladda Soomaaliya oo kasoo horjeesatay warbixin ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta muranka Soomaaliya iyo Kenya
Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa mid xaqiiqada ka fog ku tilmaamtay warbixin uu soo saaray guddigii xaqiiqo raadinta ee dhawaan loo saaray dacwaddii dowladda Soomaaliya ka gudbisay Dowladda Kenya.
Guddigii loo xilsaaray xaqiiqo raadinta oo ka socday dalka Jabbuuti ayaa sheegay in Kenya aysan wax faragelin ah ku samaynin Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa sheegay in aysan dowladda Jabuuti ka filayn in ay la safato Kenya. “Waxa kasoo baxay guddiga waxay nagu noqotay fajac iyo amakaag,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.
Wasiirka ayaa guddiga ku eedeeyay in diideen in ay Baladxaawo tagaan oo ay xaqiiq raadin ka sameeyaan, isagoo sheegay in ay soo dhaafi waayeen Mandheera ayna qaateen xogta ay Kenya u sheegtay.
Cismaan Dubbe ayaa sheegay guddiga warabixintan soo saaray in ay dhaawacayaan walaalnimada iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, wuxuuna sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka dalbanayso Jabuuti in ay raali galin ka bixiso warbixinta ay soo saareen guddigan.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]