4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Dowladda oo magaalo kale u wareejisay maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii degmada Beled-Xaawo

 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ka qaaday degmada Beled-Xaawo maxaabiistii dhawaan lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gudaha degmada, kuwaa oo loo wareejiyay degmada Doolow.

Maxaabiistan oo dowladdu ay ku sheegtay in ay kor u dhaafayaan 100 ruux ayaa intooda badan is dhiibay intii uu socday dagaalkii Isniinta ka dhacay Beled-Xaawo, iyaga oo warbaahinta u sheegay in lagu qalday dagaalka.

Lama oga sida ay dowladdu ka yeeli doonto ciidamadan oo dhamaantood laga wareejiyay hubkii ay siteen, waxaana wararka qaar sheegayaan in qorshuhu yahay in marka ugu danbeysa loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]