4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Madaxweyne Biden oo khadka telleefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka

 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden oo dhawaanta xafiska la wareegay ayaa khadka telleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin  oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in uu fahansan yahay saameynta uu marar badan ku lahaa Ruushka faragalinta doorashooyinkii ka dhacay dalka Mareykanka,  sidoo kale waxaa ay labada madaxweyne ka wada hadleen dibadbaxyada ay mucaaradku soo abaabuleen ee ka socda Ruushka iyo ballaarinta heshiiska Mareykanka iyo Ruushka ee hubka nukliyeerka.

Laakiin dhinaca Puntin waxaa uu madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Biden ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii dhaweyd ee ka dhacday dalka Mareykanka.

Madaxweynihii hore ee Donald Trump ayaa inta badan lagu xaman jirin in uusan ku dhiiran jirin dowladda Ruushka oo loo arkayay in uu ka helay gacan xiliggiisii doorashada, waana tan keentay in hadda madaxweynaha cusub uu markiiba ilo gooni ah ku eego dalkaasi Ruushka.

Labada dhinac ayaa sheegay inay isku raaceen in la joogteeyo xiriirka iyo sidii meel badan leysaga soo dhawaan lahaa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]