4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Xafiisyadii ONLF ee dowlad deegaanka Soomaalida oo la xiray

 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge Cadaani  ayaa sheegay in la xiray inta badan xafiisyadii Ururka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya isaga oo sheegay in aysan ogeyn sababta arintaa la xiriirta.

Wuxuu sheegay in toddobaadyadii ugu danbeeyay ololahan ka dhanka ah xafiisyada Ururka laga waday deegaannada Ismaamulka Soomaalida, iyadoo albaabada  leysugu dhuftay inta badan xarumihii ONLF ee deegaanka.

''Sabab nalooma sheegin laakiin waxaan u arkeynaa in arin ku iska yahay oo kaliya awood sheegad, annaga laakiin qorshaheena waa in aan si xor ah u dhaqdhaqaaqno '' ayuu yiri Hirmooge.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan ururka oo ay tuhusan yihiin in ay arintan ku lug leeyahay oo ay si dadban dowladda ugu xirran yihiin, laakiin waxaa uu sheegay in khilaafka arintan ku saabsan lagu dhax xalin doono isla Ururka dhaxdiisa.

Hirmooga ayaa ugu danbeyntii sheegay in markii horeba ay go'aan ku qaateen in halgankooda u wareejiyaan qalinka, islamarkaana ku dagaalami doonaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen doorashooyinka soo socda.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka dowlad deegaanka Soomaalida oo la xiriira xafiisyadan la sheegay in la xiray.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]