4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2021
Puntland oo masuuliyiin katirsan maxkamada ciidamada u xirtay sii daynta dad u xirnaa shabaabnimo
 

Talaado, Janaayo, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ay xilkooda ku waayeen loona xiray in ay siidaayeen dad ku eedeeysan inay katirsan yihiin Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay in ay masuuliyiintaan oo ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo ay ku socdaan baaritaano lana ogaanayo sababta ay kusii daayeen dad Shababnimo ku eedeeysan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo amarada ka qaata Alshabab islamarkaana uu maamulku si dhow ula socdo.

“Waxaa jiray shakhsiyaad taleefanadooda la dhegaystay oo amarada kasoo qaata meelo kale. Dadka nuucaas ah ciddii koofiyada saaratay haddii ay ogaan lahaayeen shaqooyinka ay qabtaan xaaladdu si kale ayay noqon lahayd,” ayuu yiri wasiir dhabancad.

Wasiir Dhabancad wuxuu tilmaamay mar uu sanadkii 2019, madaxweyne Deni uu booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo in qaar kamid ah odayaashu diideen in ay madaxweynaha la kulmaan, isagoo sheegay in ilaalinayeen awaamiir ay ka haysteen meelo kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]