4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2021
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo beeniyay in dowladdu fasaxday qaadkii ka imaan jiray Kenya
 

Talaado,, Janaayo, 26 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay in dowladdu fasaxday Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya, isagoo sheegay in si kale loo fasiray hadal uu shalay warbaahinta kasii daayay.

Wasiirka maaliyadda oo maanta sii daayay hadal kooban ayaa sheegay in ujeedada hadalkiisa shalay uu ahaa in ay dowladdu caddayso in aanu qaadka hareeriga ee ka yimaada Ethiopa cidna u xirnayn.

“Waxaa laga yaabaa dadku in ay qalad u fasirteen hadalkaygii shalay, waxaan doonayaa in aan halkaan ka caddeeyo in qaadka hareeriga ah uu ku saabsanaa warkayga,” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo warkiisii shalay aan ku caddayn qaadka Hareeriga ayaa keenay in warbaahintu u fasirato inuu ka hadlayay jaadka Kenya ka yimaada oo ay dowladdu ku xirtay sharuudo ciddii lasoo dagaysa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]